waxaan halkan idinkugu soo gudbin donaa dhowr qodob oo kaa caawinaayo inuu guulaysto ganacsigaaga hadaa sidooda u raacdo talaabooyinkaan aan kuu ifinaayo insh allh.
hadaaba maqasho business guulaytay waxa sawabay 7qodob ee hoos nogu xusan.
Hadaaba maqasho business guuleystay waxaa sawabay 7 qodob ee hoos noogu xusan hadaba waa inaad 4 qodob si gooniya u ilaalisaa xuquuqdood.
horta business ku waa 3mid oo kaliya ( sole proprietorship) oo mid shaqsiyeed ah oo shaqsi leeyahay , ama (partinership) oo ah mid aad wada ledihiin asxaab iyo (coorperation) oo ah shirkadahaa waawayn, markaa ganacsiyadaas nooc uu ahaadaba busineskaaga marwalba wuxuu u baahanyahay inaad xuquuqdooda ilaaliso.
1: xuquuqda kowaad waa xuquuqda ilaahay kuugu leeyahay
tusaale zako maka bixisaa oo sadaqo maka bixisaa oo _ si wansaasan ma u maamusho xoolahan laguu dhiiway waa xuquuq,
dad badan oo waxaa jira aan ka bixin zako aakhirkana waxay ku danbeeyaan inuu businesskaas gubto ama ay qasaaraan ku fashilmaan markaa waa inaad xuquuqda kowaad ee tan alle aad kasoo baxdaa
2 : partnership dadka isla shaqaysaan xuquuqdooda inaad ilaaliso
Tusaale dadkan aan wada maamulno companiga hadii aan ku gafo dadkii partinerka ahaa 0o aan lacagtii ka giyaameeyo ayadana waa waxwayn markaa waa inaad ilaaliso dadkaas xuquugdood.
3 : shaqaalaha shirkadaada waa inaad xuquuqdooda ilaaliso
Dadku waxay idhaahdaan Asadka ugu wayn ee shirkadi leedahay waa costomeriska lkn aniga waxaan idin leeyahay asadka ugu wayn ee shirkadu leedahay waa shaqaalaha waa dadka ka shaqaynayo companyga markaa waxay idhaahdaan (take care of your employees they will take care of your costomers)macnihi shaqaalaha hadaa wanaajiso ood care karayso ilaaliso xuquuqdooda kana dhigto ownership ood wanaajiso niyadooda ayagaa costomerka care karayno, markaa hadaa doonayso inuu businesskaagu guulayso take are of your employes.
4: qodobkeena afaraad waa takecare of your costomers
qofkaan costomerkaaga ah inaad ilaaliso sirtiisa , waqtigiisa iyo xiriirka idinka dhaxeeyo inaad ilaaliso tusaalo ahaan labo company oo kala ayaad u kala shaqaynaysaa waa inaad kala ilaalisa mid midka kale shaqada aad u hayso aad u xifdidaa.
* hadaba afartaas qodob aanu kor kusoo xusnay wa inaad si gaar ah ugu dhaqantaa hadii aad ganacsi guulaystay raadinayso waxaana soo raaca dhowr qodob oo kale oo ayagana lagama maarmaan ah inaad ku salaysid ganacsigaaga .
5 : Qorshaynta ganacsiga (Business Planning):
Nidaamka ganacsi inkasta oo uu leeyahay qeexido badan hadana waxaynu kusoo koobi karaa waa qoraal nidaamsan oo lagu qeexay laguna soo koobay ujeedooyinka ama marxaladaha ay marayso shirkadda cusub oo laga raadinaayo faaiido. taas oo noqonkarta nooca ay tahay shirkaddu iyo waxa ay qabanayso (general company description), waxa ay higsanayso (vision), ujeedooyinka shirkadda (objectives), nidaamka suuq geynta (marketing strategy), saadaasha iibka (sales forecast), nidaamka shaqada iyo shaqaalaha ( management and organisation), Loollanka shirkaddaha kale (competition), meesha lagu qabanaayo shaqada (location), nidaaminta maaliyaddeed (financial plan).
Hada waxa aynu halkan ku soo qaadan doonaa dhowr qodob oo muhiim kala duwan baynu ku xusaynaa :
Qoraalkani waxa uu ka kooban yahay (Table of Contents)
II. Soo koobid shaqada (Executive Summary)
III. Qeexid guud ee shirkadda (General Company Description)
IV. Badeecadda iyo adeegyada (Products and Services)
V. Nidaamka suuq-geynta(Marketing Plan)
VI. Qorshaha shaqo-fulinta (Operational Plan)
VII. Maaraynta maamulka iyo habayntiisa (Management and Organization)
VIII. Cadayn maaliyadda gaarka loo leeyahay (Personal Financial Statement)
IX. Kharashka bilowga iyo Raasamaalka (Startup Expenses and Capitalization)
X. Nidaamka maaliyadeed (Financial Plan)
sifada guud ee shirkadda (General company description)
Halkan waxaad ku sheegtaa nooca ganacsiga aad gelayso, iyo waxaad samaynayso.
Halkan inta badan shirkadduhu waxa ay ku sharraxaan sababta ay u samaynyaan shirkaddan iyo nidaamka ay raacayaan. Taas oo ay badanaa raaciyaan waxyaalaha ay shirkaddu higsanayso (company goals), halkee ayaad rabtaa in aad shirkadda ka samayso? Yaa aad rabtaa in aad wax ka iibiso, mustaqbalka dhaw iyo ka fog sidee kuula muuqdaa in aad u guulaysan karto? Dhinacee ayaad ku xooganan kartaa dhinacee ayaad se ku liidan kartaa? Maxaa shirkadda guulayn kara? Maxay shirkaddaha kula loollamayaa kaaga sarayn karaan? Maxaa khibrad ah ama xirfad ah ee aad kusoo kordhin kartaa shirkadda?
Haddii ay shirkaddu tahay shirkadd qof keligii leeyahay (sole proprietorship), ama shirkadd ay wada leeyihiin laba qof ama in kabadan oo gala heshiis ujeedadooduna ay tahay in ay wadaagaan faa’iido iyo khasaaraba wixii ku yimaada shirkadda (partnership), Private Limited company oo iyana ah shirkadd leh saami wadaagayaal (shareholders) maxaad ku dooratay nooca shirkaddan?
6 : Products and services: (badeecadaha ama adeegyada)
Halkan waxaa si qoto dheer loogu qorayaa badeecada ama adeega aad gadayso waxa uu yahay kedibna waxad sheegaysaa waxyaalaha ku saacidi kara in aad badeecaada ama adeega ku guulaysato, tusaale ahaan tayada waxa aad gadayso (quality), qiimaha aad ku gadayso (pricing) etc.
7 : Marketing Plan (nidaamka suuq-geynta)
Si kastaba ha u fiicnaato badeecadaadu ama adeegaagu waa ay adag tahay sida ay u guulaysto shirkadd aan lahyn nidaam hufan oo suuqgayneed (effective marketing plan). Halkani waa halka u baahan in aad looga taxadiro, si fiicana looga baaraan dego. Aad ayay khatar u tahay in si fudud loo yidhaa waan ogahay sida suuquu uu noqon doono. Waxa ay shirkadd ama qof waliba oo ganacsi samaynayaa u baahan yahay in uu sameeyo daraasad suuq-xog uruurin (market research).
Waxaa jira laba nooc oo loo sameeyo daraasadaha xog uruurinta suuqa (market research):
Daraasada koowaad (Primary research) macnaheedu waa in aad adigu si toos ah warbixinta usoo uruursato, adiga oo lakulmaaya dadka, booqanaya shirkadaha sameeya ganacsigaaga oo kale, eegaaya goobaha ku haboon, laakiin waxa suurto gal ah in uu kharash badan kaaga baxo daraasadan.
Daraasadda labaad (Secondary research) macnaheedu waa in aad fiiriso daabacadaha wararka laga helo sida majaladaha ay leeyihiin shirkaduha ama warshaduhu, joornaalada, wargaysyada. Waxaana wararkan inta badan laga heli karaa maktabadaha lagu kaydiyo buugaagta, rugta ganacsiga iyo meelaha dawladaha. Waxaa kale oo jira warbixino ku jira mareegaha internet ka (websites).
Nidaamka suuq-gaynta hanoqodo mid shay gaar ah la raadinaayo, loona raadinayo sida ugu macquulsan (specific and possible), samee tiro koob, tirooyin iyo meesha saxda ah ee wax kasoo bilaamaan (sources).
